WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Ra’iisul Wasaare Rooble oo Booqday dhismaha xarunta Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray dhismaha xarunta iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo hada heer gabogebo ah maraya.

Dhismaha xarunta Xukumadda iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sannadihii ugu dambeeyay ka socotay xarunta Xisbiga ee ku dhegan garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadiom.

Rooble ayaana kormeer ku maray qeybaha kala duwan ee xarunta ka kooban tahay, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha warbixino ka dhageestay injineerada iyo shaqsiyaadka kale ee gacanta ku haya dhismaha Xaruntan.

Ra’isul Wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhagax dhigay sidoo kale bilaabay dhismaha xaruntan loo dhisayo xukuumadda oo ku dhax shaqeesa xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

 

 

DAAWO: Ra’iisul Wasaare Rooble oo Booqday dhismaha xarunta Xukuumadda
To Top