WARARKA SOOMAALI

DAAWO: War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Xarunta Villa Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah  la soo gaba-gabeeyay, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo la isku raacay.

Ujeeddada ugu wayn ee shirka ayaa waxaa ahaa sidii loo xoojin lahaa hannaanka wada shaqaynta iyo wadatashiga oo ay ku dheehan tahay niyad wanaag, kalsooni iyo is-aaminaad.

Golaha ayaa  isla meel dhigay arrimaha hortabinta leh ee u baahan wada-xaajood siyaasaadeed ee horyaala muddo xileedkan cusub 2022 – 2026, sidoo kalena ayaa bogaadiyay sida dhaqsiyaha badan ee uu Madaxweynaha isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaran taasoo ay ka muuqato rabitaan siyaasadeed iyo ka go’naansho dhab ah.

7 Qodob ayaa laga saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada, waxaana Warka laga soo saaray Shirka Warbaahinta u Akhriyey Afhayeenka Xasan Sheekh.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

 

DAAWO: War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran
To Top