WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweynaha Somaliland oo Maanta gaaray Magaalada Ceerigaabo

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa oo dhinaca cirka ah uga ambabaxay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa Maanta oo Axad ah ku gaaray Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira howlo shaqo, waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Xildhibaano ka tirsan labada gole, xubno kamida Golaha Wasiirada.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan, waxaana intaas kadib loo galbiyey dhinaca Xarunta Madaxtooyadda Ceerigaabo

Safarkiisa Shaqo ee  Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu baxay Gobolka Sanaag ayaa qaadan doona maalmo uu halkaasi u joogi doono isaga iyo waftigiisu hawlo shaqo, iyagoona halkaas Maanta lagu soo dhaweeyay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Madaxweynaha Somaliland oo Maanta gaaray Magaalada Ceerigaabo
To Top