WARARKA SOOMAALI

Somaliland: kummanaan Arday oo saaka u fariisatay Imtixaanaadka shahaadiga ah

Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare iyo dhexe ee Somaliland ayaa saaka si rasmi ah uga furmay guud ahaan Gobolada iyo degmooyinka Somaliland, tirada aradyda u fariisatay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Somaliland ayaa dhan 40,000 oo arday.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa waxa uu dhammbaal hambalyo iyo duco ah u diray ardayda maanta u fadhiisatay imtixaanaadka shahaadiga ah oo guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka si habsami leh looga wada fadhiistay.

Imtixaanaadkan oo ay u fadhiisteen arday tiradoodu gaadhayso 40,000 (Afartan kun) oo arday, ayuu madaxweynuhu u diray dhammbaal hambalyo ah oo uu kula qaybsanayo farxada iyo rayn-raynta ay Ardaydaasi saaka ku galayaan imtixaanaadkaasi.

Sidoo kale madaxweynuhu ayaa waxa uu ardayda tirada badan oo ah markii u horaysay ee tiro intaa leegi ay u fadhiisato imtixaanaad shahaadi ah in Alle u fudaydiyo kuna guuleeyo geediga waxbarasho ee ay soo wadeen lana barbar-taagnaayeen waalidiintoodu.

Ugu danbaytii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu ardaydaasi u rajeeyay inay guul ka gaaraan mustaqbalkooda waxbarasho, dalkooda iyo dadkoodana ku anfacaan, halkaana ay ka sii wadaan hayaankooda waxbarasho.

Somaliland: kummanaan Arday oo saaka u fariisatay Imtixaanaadka shahaadiga ah
To Top