WARARKA SOOMAALI

Beesha Caalamka oo ka hadashay qalalaasihii ka dhacay Magaalada Hargeysa

Beesha Caalamka ayaa ka hadashay rabshado ka dhashay banaanbixii shalay ka dhacay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ee looga horjeeday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo ay ku dhaawacmeen 10 qof oo ku jiray Xildhibaan Barkhad Batuun.

Qoraal ay soo saareen dalalka Beesha Caalamka ee doorashooyinka iyo geedi socodka dimuquraadiyada ka taageera Somaliland ayaa sheegeen inay aad uga xun yihiin rabshadihii ka dhacay Hargeysa, ayna ka wacaasan yihiin dhacdooyinkaas,.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda Somaliland iyo kuwa Mucaaradka ugu baaqday inay is xakameeyaan oo ay ilaaliyaan nabada iyo daganaanshaha, isla markaana muhiim ay tahay in dhinacyada khilaafyada ka dhex jira lagu dhammeeyo wadahadalo wax ku ool ah.

War-saxaafadeedkaan ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray Denmark, Finland, Netherlands, Norway, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub, waxaana dalalkaan ay Somaliland ka taageeraan doorashooyinka iyo geedi socodka dimuquraadiyada.

Beesha Caalamka oo ka hadashay qalalaasihii ka dhacay Magaalada Hargeysa
To Top