WARARKA SOOMAALI

DAAWO: RW Rooble oo ku dhawaaqay in Berrito la joojinayo isku socodka Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in gebi ahaan maalinta berri la joojinayo isku socodka waddooyinka waaweyn ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la hadlaayay shacabka ayaa waxaa uu sheegay in sababta loo xirayo waddooyinka Caasimadda ay tahay Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Rooble ayaa Shacabka Muqdisho ka codsaday in ay u dulqaataan xirnaanshaha jidadka caasimadda inta ay socoto munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha maadaama ay dalka imaanayaan madax iyo wufuud heer sare ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Rooble ayaa faray Taliska Ciidanka Booliska in ay diyaariyaan gaadiid goobaha caafimaadka lagu geeyo dadka ay la soo darsaan xaaladaha caafimaad inta ay jidadku xiran yihiin.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: RW Rooble oo ku dhawaaqay in Berrito la joojinayo isku socodka Muqdisho
To Top