WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Koonfur Galbeed oo Dil toogasho ah ku fulisay Ninkii dilay Haweeneyda

Waxaa maanta fagaaro kuyaalla Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu toogtay Nin dhawaan Haweeneey deyn ku laheyd dilay Kaas oo Maxkamadda Gobolka Baay ay dil toogasho ah ku riday

Ninkan oo lagu Magacaabayay Maxamed Xasan Maxamed (Goomeey) ayaa Haweeneyda oo lagu Magacaabi jiray Aamina Maxamed Malaaq ay ka dalbatay in uu siiyo lacag ay ku laheyd, balse uu ugu yeeray gurigiisa si uu ugu wareejiyo maadaama uusan lacag u heyn, hayeeshee uu dilay.

Ciidamada nabdsugida Maamulka Koonfur Galbeed oo baadi goob dheer u galay kiiskaas ayaa Musqul kasoo saaray Meydka Haweeneyda Maalintii Sabtida aheyd ee la soo dhaafay , waxaana Alle ha u Naxariistee Aamina Maxamed Malaaq ay aheyd Haweeneey ka Ganacsan jirtay Dharka.

Boqolaal kamid Shacabka Magaalada Baydhabo, Saraakiil katirsan Maxkamadda Gobolka Baay iyo ehellada Haweeneyda ayaa ku sugnaa goobta toogashada, kuwaas oo sheegay in si cadaalad ah kiiskaasi loo dhameeyay.

SAWIRRO:-Koonfur Galbeed oo Dil toogasho ah ku fulisay Ninkii dilay Haweeneyda
To Top