WARARKA SOOMAALI

Ciidamada DANAB oo howlgal qorsheysan xubno ka tirsan Al-shabaab

Ururka 4-aad guutada16 ee kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa howlgal Qorsheysan oo ka dhan ahaa argagixisada Al-Shabaab ka sameeyay deegaannada Tooratoorow & Caliyoow Baaroow oo dhamantood kawada tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa burburin barkontarool oo ay ku lahaayeen degaannadaas  Al-Shabaab, isla markaana dadka ay lacago uga qaadi jireen.

Ciidamada ayaa inta uu howlgalka socda gacanta ku soo dhigay lix xubnood oo katirsan Maleeshiyada Al-shabaab kuna sugnaa degaannada Tooratooro& Caliyoow Baarow islamarka ay ciidamadula waregeen Barta-koontarool oo ay lacago ku qaadi jiren.

Ugu dambeyn saraakiisha Ciidamada DANAB waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Maleeshiyada Al-Shabaab si degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ay kaga sugan yihiin ay uga saaraan.

Ciidamada DANAB oo howlgal qorsheysan xubno ka tirsan Al-shabaab
To Top