WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wafdi ka socda Itoobiya oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho

Wafdi ka socday dowladda Federaalka Itoobiya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaas Itoobiya Mogamed Rafie Abaraya ayaa duhurnimadii Maanta soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo soo dhaweyn loo sameeyay.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka iyo wafdigiisa Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda, Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya C/fataax C/llaahi Xasan iyo Saraakiil kale.

Wafdigan ayaa hordhac u ah wafuud kala duwan oo lagu wado in ay soo gaarayaan dalka, kuwaas oo ka qeyb galaya xafladda caleema saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaceysa 9-ka bishan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

 

DAAWO:-Wafdi ka socda Itoobiya oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho
To Top