WARARKA SOOMAALI

Golaha Wasiirada Somaliland oo kulan la yeeshay xaaladda sicir bararka xoogan ee taagan

Golaha Wasiirada Somaliland ayaa Maanta Magaalada Hargeysa ee Caasimadda ku yeeshay kulankii 92-aad ee Golaha oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka Golaha ayaa waxaa looga hadlay oo diirada lagu saaray Arrimaha sicir bararka xoogan oo ka jira Somaliland, ugu horreyn golaha ayaa waxa loo qaybiyey qabyo-qoraalka xeerka Ciidanka dab-damiska.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa golaha uga warbixiyey xaaladda sicir-bararka ee taagan, sababaha keenay iyo tallaabooyinka ay xukuumaddu qaadday oo ay barbar socdaan qorsheyaasha xukuumaddu wax kaga qabanayso mustaqbalka.

Wasiirku ayaa waxa uu sheegay inay jirto kor ukac ku yimid qiimaha cuntooyinka quutal daruuriga ah iyo shidaalka bulshadu isticmaasho, iyadoo xusay in qiime kacaasina ka yimid waddamada caalamka xaalado jira aawadood.

Kororka ku yimid qiimaha maciishadda iyo daruuriyaadka kale, ayuu Wasiirku mid mid golaha ugu akhriyey, waxana uu caddeeyey in Bariiska 25 kg qiimihiisu marayo $17, Sonkorta 25kg ay marayso $17, Daqiiqda 25Kg waxa ay maanta qiimaheedu maraysaa $17, Saliidda cuntada 9 litir, waxa ay maraysaa $14, Baastada 10Kg, ayuu qiimaheedu marayaa $11, halka shidaalka Halkiisa litir, uu maanta marayo 97,000 oo shilin Somaliland ah.

Sababaha keenaya sicir-bararka, ayuu sidoo kale wasiirku sharraxay, waxana uu tilmaamay in inta badan sicir-bararka Somaliland ka jiraa uu yahay mid dunida kale ka yimid, sababo la xiriira xanuunkii Covid-19 ee dunida ka dhacay iyo dagaalka muddada ka dhex socda waddamada Ruushka iyo Ukrain, iyada oo waddamo badan oo caalamka kamid ahina ay joojiyeen cuntooyinkii ay dibadda u dhoofin jireen.

Golaha Wasiirada Somaliland oo kulan la yeeshay xaaladda sicir bararka xoogan ee taagan
To Top