Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.
Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Wasiiro, Xildhibaano, Mas’uuliyiin iyo dadweyne farabadan.
Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxweyne Axmed Qoorqoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, isagoo kala hadli doona xaaladda guud ee dalka iyo tan deegaanada Maamulkaas.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu kulan la yeelan doonaa Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isla markaana kala arrinsadan doona arrimaha dib u heshiisiinta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, isagoo soo gaba-gabeeyay safarkii uu halkaas ku joogay.