WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho & khasaaro ka dhashay

Qaraxa sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa barqanimadii Maanta ka dhacay qeyb kamid ah degmada deyniile ee Gobolka Banaadir, waxaana qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah lala beegsaday gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda.

Ciidamada la qarxiyey oo saarnaa gaari Prado ah ayaa waxaa qaraxa lagula beegsaday inta u dhaxeysa Laamiga aargada Deyniile iyo Isgoyska Sii-Sii, xili ay socdaal ku marayeen halkaas, iyagoo ka yimid duleedka Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijyay hal askari oo kamid ahaa Ciidankii saarnaa gaariga ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo labo kamid ah yihiin Shacab, isla markaana waxaa durbadii dadka waxyeelada dhaawaca soo gaaray la geeyay Isbitaal.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoona xiray aaga, waxaana markii dambe halkaas isaga tegay Ciidamada, sidoo kalena furay wadada laamiga ah ee Aargada degmada Deyniile oo ay xireen.

Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho & khasaaro ka dhashay
To Top