WARARKA SOOMAALI

RW Rooble oo magacaabay Guddiga Amniga Xaflada Caleema-saarka Madaxweynaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen  Rooble ayaa magacaabay Guddiga Amniga ee Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu magacaabay Guddiga amniga Xafladda Caleema saarka oo ka kooban 7-xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Wasiirka amniga xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Guddiga inay shaqadooda u gutaan si hufan, isla markaana ay adkeeyaan amniga guud ee dalka gaar ahaan kan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Sida la qorsheeyey waxaa lagu wadaa in xaflad weyn oo lagu caleema saarayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud lagu qabto Magaalada Muqdisho 9-ka bisha June.

RW Rooble oo magacaabay Guddiga Amniga Xaflada Caleema-saarka Madaxweynaha
To Top