WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo War kulul kasoo saaray weerarkii Al-shabaab ee Ceelbaraf

Mareykanka ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii 3-dii bishan May lagu qaaday xerada Ceel-baraf oo ay deganaayeen Ciidamada Burundi ee tirsan howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanka Ned Price ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu tacsi u dirayo ciidanka dalka Burundi, khasaarihii ka soo gaaray weerarkii ka dhacay xerada Ceel-baraf ee ay geysteen ururka Al-Shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in dalkiisu uu garab taagan yahay ciidanka Burundi.

“Ciidamada Burundi waxay door geesinimo leh ka qaateen hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya, muddo sannado ah” ayuu yiri Afhayeenka oo intaas kusii daray inay ka go’an tahay inuu weli sii wado taageerada uu siiyo hawlgalka ATMIS.

Ugu yaraan 30 akari oo u dhashay Burundi ayaa lagu dilay, 20 kalena way ku dhaawacmeen weerarkii Al-Shabab ay ku qaadday saldhigga Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Mareykanka oo War kulul kasoo saaray weerarkii Al-shabaab ee Ceelbaraf
To Top