WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Somalia oo Maanta Guddoon cusub doortay

Guddiga isku dhafka ee doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa iska dhex doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen, kadib doorasho dhacday.

Doorashada Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa waxaa ku tartamay saddex Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, kuwaasi oo kala ah Senator Cabdiqani Geelle Maxamed, Xildhibaan Maxamed Axmed beereey iyo Senator Cabdi ismaaciil samatar.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa doortay inuu noqdo Senator Cabdiqani Geelle Maxamed oo helay Cod gaaraya 10 Cod, halka Xildhibaan Maxamed Axmed beereey uu helay 5 Cod iyo Senator Cabdi ismaaciil samatar oo isna helay  2 Cod.

Sidoo kale Guddoomiye Guddiga ayaa waxaa ku tartamay laba Xildhibaan oo kala ah Maxamed keerow Maxamed iyo Maxamed ibraahim Macalimoow, waxaana Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga loo doortay Maxamed keerow oo helay 9 Cod, iyo Macalimuu oo helay 7 Cod.

Guddigaan oo ka kooban 17-xubnood ayaa waxaana laga soo sugayaa inay soo saaraan Jadwalka doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoona Guddiga laga dalbaday dardar-gelin qaboomida doorashada.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Somalia oo Maanta Guddoon cusub doortay
To Top