WARARKA SOOMAALI

DAAWO:- Golaha Shacabka oo magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga uu magacaabay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka kooban 8-xubnood, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu sheegay in Guddigaan ay ka harsan yihiin saddex xubnood, uuna saacadaha soo socda soo saari doono.

Guddigaan oo lagu daray 6 xubnood oo ka imaanaya dhanka Aqalka Sare ayaa ka shaqeyn doona qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha , iyagoona soo saari doona Jadwalka doorashada laga sugayo, sidoo kalena dardar-gelin doona doorashada.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka kahor Akhriyey magacyada xubnaha Guddiga la magacaabay…

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA GUDDOOMIYE MADOOBE

DAAWO:- Golaha Shacabka oo magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha
To Top