WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Kulanka XIldhibaanada Golaha Shacabka oo furmay iyo Ajendaha

Waxaa Goor dhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulan ay yeelanayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, waxaana shir Guddoominaya Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada labada Aqal ayaa waxaa uu yahay doorashada xubnaha Guddiga isku dhafka labada Aqal Baarlamaanka 11-aad ee qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay in Maanta wixii ka dambeeya ay Go’aan ka gaari doonaan Xildhibaanada Khilaafka ka jira ee lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbaahaarey ee Gobolka Gedo.

Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlaayay furitaanka kulanka haatan u socda Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in kooramka aysan ku jirin Xildhibaanada khilaafka ka jiro, isla markaana khilaafaas ay xal ka gaari doonaan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa caddeeyay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo qabto doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, maadaama doorashada dalka ay dib u dhacday muddo laba sanno ah.

SAWIRRO:-Kulanka XIldhibaanada Golaha Shacabka oo furmay iyo Ajendaha
To Top