WARARKA SOOMAALI

Xildhibaano loo diiday inay galaan Teendhada Afisyooni iyo Dhabancad oo Baaq diray

Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa laga hor istaagay inay gudaha u galaan Teendhada ciidamada cirka ee Afisyoone xilli maanta lagu wado in halka lagu dooto guddoonka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada qaar oo qoraallo soo dhigay Facebook ayaa sheegay in Ciidamo Boolis ah ay hor istaageen xilli ay kusii socdeen gudaha Xarunta Afisyoone ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wararka waxay intaa ku daraayaan in ciidamada amniga ay xireen waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho xilli amniga si weyn loo adkeeyay.

Dhanka kale, Guddoomiyaha kumeel gaarka ee Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay xildhibaanada inay teendhada yimaadan, waa uu ka codsaday ciidamada inay furaan waddooyinka.

Xildhibaano loo diiday inay galaan Teendhada Afisyooni iyo Dhabancad oo Baaq diray
To Top