WARARKA SOOMAALI

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Muqdisho

Waxaa Maanta oo arbaco ah lagu wadaa in Teendhada Afiysooni ee Magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada waxaa ku tartamaya musharaxiin badan oo isku soo taagay Guddoomiyaha Golaha Shacabkiyo labadiisa kuxigeen, waxaana musharaxiinta saacadihii lasoo dhaafay wadeen olole aad u xoogan ay ku kasbanayeen codadka Xildhibaanada.

Teendhada ay ka dhaceyso doorashada ayaa lagu wadaa in ay gaaraan Xildhibaanada wax dooranaya iyo Musharaxiinta, waxaa sidoo kale la filayaa in xaruntaasi tagaan mas’uuliyiin iyo wakiillo katirsan Beesha Caalamka.

Sida aan wararka ku helnay ammaanka teendhada Afisiyooni waxaa la wareegay ciidamada ATMIS ay la shaqeenayaan ciidamada ilaalada Ra’isul Wasaare Rooble, waxaa sidoo kale teendhada kusii sugan oo shaqo ka wada shaqaalaha xafiiska Rooble.

Dhinaca kale Guddiga qaban-qaabada doorashada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Teendhada Afisyooni aysan soo geli doonin Xildhibaanada lagu soo kala doortay doorashooyinkii Is bederyaaca ahaa ee ka qabsoomay Magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

 

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Muqdisho
To Top