WARARKA SOOMAALI

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Somalia Qaalib oo Caawa ku geeriyooday Jabuuti

Allaha u naxariistee waxaa caawa Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ku geeriyooday Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya, Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib.

Marxuumka ayaa waayihii dambe waxaa uu bare ka ahaa Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed ee Magaalada Caasimadd ah ee Muqdisho, waxaana la sheegay inuu u geeriyooday xanuun ka hayey dhanka wadnaha.

Sanadkii 1933-kii ayey taariikhdu xustay in Jaamac Maxamed Qaalib uu ku dhashay degaanka Dhoodi-gaban ee Gobolka Sanaag.

Sannadkii 1955-kii ayuu ku biiray ciidanka boliska Soomaaliya, iyadoo sanadkii 1962-kii loo magacaabay Madaxa Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliya. Sidoo kale 1970-kii ayaa loo magacaabay Taliyihii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Somalia Qaalib oo Caawa ku geeriyooday Jabuuti
To Top