WARARKA SOOMAALI

Maxaa looga hadlay kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Antonio Guterres?

Xoghayah Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farjaamo, iyagoona ayaa kala hadlay arrimo kala duwan .

Farmaajo iyo Antonio Guterres  ayaa inta wadahadalkooda socday waxa ay diirada saareen kana wada hadleen arrimo dhoor ah oo ay ka mid yihin doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, abaaraha iyo hawlgalka cusub ee ATMIS.

Qoraal ka soo baxay xarunta Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxweyne Farmaajo ay ka wada hadlay in la dedejiyo hannaanka doorashada ee Soomaaliya oo waqtigeeda dhaaftay.

Antonio Guterres ayaa u sheegay Madaxweyne Farmaajo inuu rajaynayo in si degdeg ah loo soo gebagebeeyo geedi-socodka doorashada Soomaaliya iyo in arrimaha taagan lagu dhammeeyo wada hadal iyo isu tanaasul.

Xoghayaha guud ayaa la wadaagay madaxweyne Farmaajo, sida uu u garab taagan yahay dowladda Soomaaliya gaar ahaan xilligan ay sare u kaceen weerarada ururka al-Shabaab iyo abaaraha daran ee Soomaaliya ka jira.

Maxaa looga hadlay kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Antonio Guterres?
To Top