WARARKA SOOMAALI

Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray Mahdi Guuleed iyo Sheekh Khalid Bin Al-Thani?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo safar shaqo ku jooga magaalada Dooxa ee Dalka Qatar ayaa kulan la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha ahna  Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Qatar  Sheekh Khalid Bin Khalifa bin Abdul Aziz al-Thani oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa Dowladda Qatar iyo Amiirka dalkaas Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani uga mahadceliyey soo dhawaynta diirran ee loo fidiyey isaga iyo wafdigiisa.

Mahdi Guuleed ayaa hoosta ka xarriiqay in kulammada noocan ahi ay dardar galin u yihiin mashaariicda horumarineed ee labada dal iska kaashanayaan, isagoo Dowladda Qatar uga mahadceliyay mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgalisay Soomaaliya.

Dhankiisana Ra’iisal Wasaaraha  ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka ee Qatar Sheekh Khalid bin Khalifa bin Abdul Aziz al-Thani, ayaa tilmaamay sida ay dalkiisa uga go’antahay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo labada Shacab ee walaalaha ah, iyadoo mudnaanta la siinayo qorsheyaasha labada dal hortabinta u leh.

Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray Mahdi Guuleed iyo Sheekh Khalid Bin Al-Thani?
To Top