WARARKA SOOMAALI

Ciidamada DANBA oo gacanta kusoo dhigay Gaari Qaraxyo laga soo buuxiyey

Ciidamada Milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa kumaandooska DANAB ayaa howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen deegaano dhaca duleedka magaalada Kismaayo waxa ay ku dileen xubno ka tirsan Al Shabaab, iyaga oo sidoo kale qabtay qaraxyo.

Saraakiil katirsan Ciidanka Milatariga ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal ciidanka ka fuliyeen degaannada Beer xaani iyo Gabdhoole ku dileen dagaalyahano katirsanaa Al Shabaab kuna qabteen gaari qaraxyo saarnaayeen.

Ciidamada Danab ayaa dilay saddex xubnood oo katirsanaa Al Shabaab , waxa ayna la wareegeen gaari ay wateen kooxdaasi iyo hub sida uu wakaalada Wararka Sonna u sheegay sargaal katirsan Danab.

Milatariga Soomaaliya gaar ahaan ciidamada DANAB ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgalada ay ka fuliyaan deegaano kuyaalla duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Ciidamada DANBA oo gacanta kusoo dhigay Gaari Qaraxyo laga soo buuxiyey
To Top