WARARKA SOOMAALI

Laamaha amniga oo gacanta ku dhigay Nin dil ka geystay Magaalada Gaalkacyo

Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolkaas ayaa gacanta ku dhigay Mowliid Maxamuud Nuur oo ku magac dheer ina caano Boore, kaasi oo lagu eedeeyay inuu si bareer ah u dilay laba qof oo shacab ah.

Taliska Booliska Mudug ayaa waxaa sheegeen in Eedeysane Mowliid Maxamuud Caano Boore inuu gacantiisa ku dillay labo Marxuum oo magacyadoodu kala yihiin Axmed Raawe iyo Maxamud Siciid Muuse oo kamid ahaa dadka deegaanka Gaalkacyo.

Mowliid Caano Boore oo in mudo ah ka mid ahaa dadka lagu raadjoogay ayaa waxaa mar sii horeysay isaga oo ka maqan gacanta laamaha Amniga xukun ku riday Maxkamda darajada koowaad ee Gobolka Mudug kadib markii lagu Eedeeyay inuu ka mid yahay dadka ka ganacsan jiray maandooriyaha Khamriga.

Ugu dambeyntii Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa galinkii dambe ee shalay ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan Eedeysane Mowliid Caano-boore oo horey u dilay laba qof oo shacab ahaa, sidoo kalena xukun lagu riday isaga oo maqanaa ahaa.

Laamaha amniga oo gacanta ku dhigay Nin dil ka geystay Magaalada Gaalkacyo
To Top