WARARKA SOOMAALI

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Alcadaala oo ka haray tartanka kursiga Golaha Shacabka

Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa lagu wadaa in lagu qabto beri oo axad ah Doorashada saddex kursi uu ku jiro kursiga kursiga tirsigiisu yahay HOPO69, uu hada ku fadhiyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa .

Doorashada kursigan ayaa hardan adag loogu jiray, waxaana kursigan isku soo taagay doorashadiisa labada Musharax ee kala ah Cabdiraxmaan Odawaa oo mar kale difaacanaya iyo Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala.

Labada Musharax ayaana waday maalmihii lasoo dhaafay olole aad u xooggan, Doorashada rasmiga ah ee kursigan ayaana inta aan la gaarin  lagu kala baxay, waxaana lagu adkeeyay oo ugu dambeyn tanaasulay Cabdiraxmaan Alcadaala.

Musharax Al Cadaala ayaana markii uu hugoobay kaddib ka tanaasulay in kursigan u tartamo, waxa uuna xalay booqasho ugu tagay hoyga uu  Gaalkacyo ka degan yahay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo loo xiray kursigan hambalyo horey dhacna ah u diray.

”Waxaan halkaan uga hambalyaynayaa Adeerkeey Abdurahman Mohamed Hussein oo noqonaya Xildhbaanka I matalidoona afarta Sano ee soo socota insha allaah, waxaan umahadcelinayaa dhamaan saaxiibadii mudada ka badan labada Sano igala shaqaynayay Ololahayga, waxaan kale oo u mahadcelinayaa dhamaan taageerayaashayda kala duwan oo aan leeyahay waad mahadsantihiin.” ayuu yiri Al Cadaala.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Alcadaala oo ka haray tartanka kursiga Golaha Shacabka
To Top