WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Jubbaland oo War kasoo saaray geerida Xildhibaan Kuulow

Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa guud ahaan Ummada Soomaaliyeed, bulshada Jubbaland iyo qoyskii uu ka baxay uga tacsiyeeyay geerida AUN Xildhibaan Maxamuud Muxumed Kuulow, oo galabta ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu kamid ahaa bulshada dadka waxgalka u ah ee kasoo qeyb qaatay shaqooyin  badan oo ay ugu muhiimsan yihiin arimaha bulshada oo door muuqda uu ku lahaa isagoo kamid ahaa dadka sida weyn u garab istaagay Dowladnimada Jubaland wakhtigiisa iyo maalkiisana u huray.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in marxuumku dhawaan loo doortay Mid kamid ah kuraasta Baarlamaanka JFS ee dhawaan doorashadoodu ay ka dhacday Jubaland.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu si gaar ah tacsi ugu diray eheladii iyo qaraabadii uu marxuumku uu ka baxay isagoo alle uga baryay inuu janadii fardowso ka waraabiyo.

Madaxweynaha Jubbaland oo War kasoo saaray geerida Xildhibaan Kuulow
To Top