WARARKA SOOMAALI

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Baladweyne

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Dadban ee heer dowlad Goboleed ee Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in ay Maanta oo khamiis ah qabtaan doorashada saddex kursi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Kuraastaas ayaa waxa kamid ah kursiga Hop#030 oo uu horay ugu fadhiyay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow kaas oo loo saadaalinayo in mar kale dib loogu doorto.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in ay hakiyeen doorashada saddexdaas kursi, balse mar kale caddeeyay in ay dib u fasaxeen, kadib markii la dhameystiray habraacyada doorashada looga baahnaa.

Dhinaca kale waxaa xal laga gaaray khilaaf soo kala dhex galay  Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, kaasi oo salka ku haayay doorashada kuraasta harsan ee taalla Magaalada Baladweyne.

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Baladweyne
To Top