WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maxkamadda Ciidamada oo Maanta xukun ku riday Askari Dil geystay

Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybteeda 27-aad, ayaa Maanta xukun dil ah ku riday askari ka tirsanaa Ciidanka xoogga Soomaaliyeed oo lagu helay in uu dil u geestay askari kale.

Dable xoogga dalka Maxamed Aadan Maxamed Isaaq (Kobra) ayaa Maxkamada Ciidamada qalabka sida ku eedeesay in uu dil bareer ah u geestay Laba xidigle xoogga dalka Aadan Maxamed Xasan (Suufi) oo isna ciidanka dowladda katirsanaa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27-aad Maxamed Amiin ayaa sheegay in Dable Maxamed Kobra lagu riday xukun dil ah oo qisaasta marxuumkii uu horey u dilay Aadan Maxamed Xasan (Suufi) .

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa marar badan xukuno dil ah ku riday askar katirsan ciidanka dowlada oo siyaabo kala duwan dilal bareer ah ugu geestay askar kale iyo dad shacab ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Maxkamadda Ciidamada oo Maanta xukun ku riday Askari Dil geystay
To Top