WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ruushka iyo Ukraine oo kulan yeelanaya

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa shaaciyey inay dhigiisa Ruushka iyo Ukraine kulan fool-ka-fool ah Maalinta khamiista ah ku yeelan doonaan Magaalada loo Dalxiis tago ee Antalya ee Koonfurta Turkiga.

Kulankaasi oo qeyb ka ah dadaalka Turkiga ee dhexdhexaadinta labadaasi dal ayaa waxa uu qabsoomi doona Maalinta Khamiista ee soo socota.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga ayaa waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu Suxufiyiinta Maanta kula kulmay Caasimadda dalkiisa ee Ankara, wuxuuna xusay in labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Ruushka iyo Ukraine isku doc arki doonaan Madasha Diplomaasiyadda ee  Antalya Diplomacy Forum.

Shir doceedkaas ayaa waxa uu ahaan doonaa Shir Saddex Geesood ah oo u dhexeeya W.A.D ee Turkiga,  Raashiya iyo Ukraine.

Shalay ayey ahayd, markii uu Madaxweyne Erdogan khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa Ruushka, Vladimir Putin, iyaga oo ka wada hadlay Xal u helista Colaadda ay Milliteriga Ruushka ka wadaan gudaha dalka Ukraine.

DEG DEG: Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ruushka iyo Ukraine oo kulan yeelanaya
To Top