WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Weerar lagu dilay Askar ka tirsan Gor-gor oo lagu dilay Dhuusamareeb

Rag hubeysan ayaa bartamaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa ay ku dileen laba kamid ah Ciidamada Gorogor ee kal hore dowladda Soomaaliya halkaasi geeysay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay ka tirsan yihiin xoogaga Ahlusunna, isla markaana weerarka kadib ay horay usii qaateen Gaari Cabdi Bille ah oo ay la aadeen dhinaca degaanka Bohol.

Ilo xog-ogaal ah ayaa ku warramay in Gaariga Cabdi Billaha ah markii hore laga soo qaatay xoogaga Ahlusunna balse ay dib ula wareegeen, iyaga oo dilay qaar kamid ah askartii wadatay Gaariga.

Afhayeenka Maamulka Caasimadda Dhuusamareeb Bashiir Maxamed Salaad Sanka ayaa sheegay in Dilka askarta qaranka ee kadhacay Dhuusamareeb uu yahay mid argagixiso lagu yaqaanay kooxda Al-Shabaab.

HALKAAN KA DAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Weerar lagu dilay Askar ka tirsan Gor-gor oo lagu dilay Dhuusamareeb
To Top