WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta kusii jeeda Magaalada Dooxa ee Caasimadda Qatar

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Dooxa ayaa waxaa shaacisay Wakaalada Wararka Qatar oo sheegtay in Maanta oo bisha ay tahay 5 Maarso uu Farmaajo booqasho ku tegayo Magaalada Dooxa, isagoo la kulmaya Amiirka dalkaas iyo xubno kale.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli wax war ah kasoo saarin socdaalka Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee uu ku tegayo Qatar, waxaana Madaxweynaha uu saacadaha soo socda ee Maanta uu ka dhoofi doonaa Garoonka Aadan Cadde.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Amiirka dalkaas iyo Madax kale, iyagoona ka wada hadli doona xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta kusii jeeda Magaalada Dooxa ee Caasimadda Qatar
To Top