WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo Cunaqabatayn ku soo rogay Afhayeenka Madaxtooyada Ruushka

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen 3 Cunaqabatayn oo cusub oo lagu soo rogay shaqsiyaad u dhashay Ruushka iyo qoysaskooda.

Dadka lagu soo rogay Cunaqabataynta ayaa waxaa ka mid ah Dmitry Peskov oo ah Xoghayaha Warfaafinta ee Madaxweyne Vladimir Putin iyo Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada Kremlinka ee Ruushka.

Qoraalka Xayiraadda cusub oo ay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka soo saartay xalay ayaa waxaa lagu sheegay in Shaqsiyaadka Ruushiyaanka ee Cunaqabataynta la Mareykanka laga jari doono Nidaamka Maaliyada ee Mareykanka, lana xayiri Lacagta iyo Hantida kale ee ay dhigteen Mareykanka.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa waxaa ay xayiraad dhanka Socdaalka ku soo rogi doonaa 19 Mas’uuliyiin Ruushiyaan ah iyo 47 ka mid ah Ehelkooda iyo dadka aadka ugu dhow.

 

Mareykanka oo Cunaqabatayn ku soo rogay Afhayeenka Madaxtooyada Ruushka
To Top