WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo Baaq Deg-deg ah u dirtay Soomaalida ku sugan Ukraine

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Ukraine oo ka mid yihiin ardayda kula talisay in ay caawinaad ka dalbadaan safaaradda Soomaaliya ee Brussels iyo Berlin si loo soo daad gureeyo.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duulayo xaaladda ammaanka ee Ukraine oo si xawli ah isu beddeshay, waxay kula talisay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay ku jiraan ardaydu in ay la soo xiriiraan Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels iyo Berlin si loo soo daad gureeyo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay feejignaan muujiyaan, isla markaana ay ilaashadaan dukumeentiyadooda aqoonsiga.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay dadaal ugu jirta sidii loo samayn lahaa waddooyin suurtagal ah oo lagu daadgureynayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Ukraine.

Dowladda Soomaaliya oo Baaq Deg-deg ah u dirtay Soomaalida ku sugan Ukraine
To Top