WARARKA SOOMAALI

RW Rooble oo Maanta kulan la qaatay ku-xigeenka wakiilka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay ku-xiigeenka wakiilka Xog-hayaha  Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadminimada Adam Cabdulmowlaa.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Adam Cabdulmowlaa ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo kamid yihiin Arrimaha abaaraha dalka iyo gurmadka la gaarsiinayo dadka abaartu saameysay ee kunool deegaano ka tirsan Gobolada dalka.

Waxaa kaloo kulanka looga arrinsaday inta uu socday isu duwidda dadaallada gurmadka abaaraha ee dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee Gargaarka, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xukuumadda ayaa wada dadaalo kala duwan oo loogu gurmanayo dadka ay abaarta ku saameeysay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka, waxaana Xukuumadda ay Codsiyo la xiriira u gurmadasha dadka Soomaalida u dirtay Beesha Caalamka.

RW Rooble oo Maanta kulan la qaatay ku-xigeenka wakiilka Xoghayaha Guud ee QM
To Top