Xuutiyiinta oo aqoonsaday Jamhuuriyadaha Donetsk iyo Luhansk
Hoggaamiyaha Kooxda hubeysan ee Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay inay Ictiraafeen Labada Waddan ee cusub ee ka go’ay dalka Ukraine.
Qoraal uu Maxamed Cali Xuuti soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inay aqoonsadeen Gooni-isku-taaga labada Jamhuuriyadood ee The Donetsk and Lugansk people’s Republics.
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa xalay ku dhawaaqay Aqoonsiga Labadaa Jamhuuriyadood ee ku yaalla Bariga dalka Ukraine, kaabigana ku haya xuduudka Raashiya.