WARARKA SOOMAALI

Kolonyo gelbineysay Madaxweynaha Puntland oo la Qarxiyey iyo Deni oo ka hadlay

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax xoogan oo Maanta lala beegsaday kolonyo galbineysay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Qaraxa ayaa waxaa kolonyada Madaxweyne Saciid Deni uu ku qabsaday Koontaroolka laga soo galo Boosaaso, waxaana qaraxa ku dhintay laba Askari oo ka tirsanaa Ciidanka ilaalada Madaxweynaha Maamulka, halka Askar kalena ay dhaawacmeen.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Den ayaa tacsi u diray Cabdullaahi Maxamed Shafeec iyo Maxamed Axmed Cabdullaahi oo ka tirsana Ciidamada Madaxtooyada, kuwaasi oo maanta ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Boosaaso.

“Waxay ahaayeen geesiyaal naftooda u huray dalkooda iyo dadkooda,alle waxaan uga baryayaa inuu janadii geeyo, ehelkoodiina samir iyo iimaan uu kasiiyo. Sidoo kale waxaan intii dhaawacantayna alle uga baryayaa in uu u boogga dhayo. Aamiin” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab, xili amni darrada ka jirta Magaaladaas ay maalmihii dambe soo badatay, iyadoona ay ka dhaceen qaraxyo iyo dilal qorsheysan..

Kolonyo gelbineysay Madaxweynaha Puntland oo la Qarxiyey iyo Deni oo ka hadlay
To Top