WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-RW Rooble oo boggaadiyey Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay geba-gebada doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee dalka ku matalaya Gobollada Woqooyi ee Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Guddiyada doorashada Somaliland (SEIT) iyo Heer Federaal howsha adag ay qabteen iyo in ay doorashada ku soo dhammeeyeen ka hor xilligii loo asteeyay.

Rooble ayaana ugu baaqay dowlad Goboleedyada dalka inay doorashada Xildhibaannad deg-deg u soo gebagabeeyaan, iyaddoona xilligii lagu heshiiyay in doorashada Gollaha shacabka lagu soo gaba-gabeeyo kaliya ka harsan tahay afar maalin.

Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ku matalaya ayaana maanta lasoo gaba-gabeeyay, waxaana maanta la doortay saddexdii Xildhibaan ee ugu dambeeyay Xildhibaanada Somaliland, iyadoona doorashada ka dhacday Magaalada Muqdisho.

 

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-RW Rooble oo boggaadiyey Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi
To Top