WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminayey oo u ambabaxay Jabuuti

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa saakay oo Isniin ah ka ambabaxay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, iyagoo kusii jeeda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in safarka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Jabuuti uu yahay mid qaadan doona maalmo kooban oo uu halkaas jooji doono.

Madaxtooyada Somaliland faah faahin intaas ka dheeraad ah kama bixin safarka Madaxweynaha Somaliland uu Maanta ku aaday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Socdaalka ayaa waxaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku wehlinaayay wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha gudaha, Warfaafinta iyo Ganacsiga ee Somaliland, waxaana Madaxweynaha uu kulan la yeelan doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti…

Madaxweynaha Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminayey oo u ambabaxay Jabuuti
To Top