WARARKA SOOMAALI

Hantidhawrka Qaranka oo sharci darro ka dhigay heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (XHGQ) ayaa waxaa uu dib-u-eegis ku sameeyay hannaanka iyo habraacyada loo maray heshiiska la shaaciyay inuu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee ku aaddanaa bixinta toddobo xirmood oo shidaalka Soomaaliya ah.

Xafiiska ayaa waxaa dib-u-eegistaas uga soo baxday in si toos ah loo baalmaray Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee JFS, iyo habraacyada dhaqangalka ah ee dalka, kuwaas oo loo asteeyay in lagu maamulo gelidda heshiisyada caalamiga ah.

Taallaabadaas ayaa khatar mug leh ku ah khayraadka ummadda Soomaaliyeed iyo dhawritaanka dhigaalka hantiyeed ee jiilka mustaqbalka.

Xafiiska  Hantidhawrka Qaran ayaa waxa uu ku wargeliyay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta iyo hay’adaha ay khuseysaba in uu heshiiskaas gabi ahaanba waxba kama jiraan yahay.

Hoos ka AKhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Hantidhawrka Qaranka.

Hantidhawrka Qaranka oo sharci darro ka dhigay heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka
To Top