Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle ayaa Maanta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo ah degaan doorashada labaad ee Hir-Shabeelle ku qabtay doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.
Kursigii ugu horreeyay ee lagu doorto Magaalada Beledweyne ee Hop#086 ayaa waxaa ku guuleystay Agaasimihii hore ee NISA ahna la taliyaha dhinaca amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Kursiga labaad ee Hop#015 ayaa waxaa markale ku guuleysatay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Haweenka Xiis Xasan Aadan oo kursigaan horay ugu fadhisay kadib markii ay u tanaasushay Maryan Xasan Cabdi oo la tartami laheyd.
Kursiga Saddexaad ee Hop#008 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Deeq Barre Cumar ( Fiyoore) oo kamid ah Bahda Warbaahinta Muqdisho kadib markii uu u tanaasulay musharrax Xildhibaan Ibraahim Axmed Inji,.
Kursiga Afaraad ee Hop#274 ayaa waxaa markale ku guuleystay Habdhowraha Golaha Shacabka Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii ay u tanaasushay Fardowso Xasan Ismaaciil.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA