WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Fahad Yaasiin oo Goor dhow gaaray Magaalada Baladweyne

La-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa goordhow ka gaaray Magaalada Baladweyneee Xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle ayaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne ku soo dhaweeyay Fahad Yaasiin oo ah Musharax Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Amaanka Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ayaa si aan horey loo adkeeyey galabta ka hor inta uusan gaarin Fahad Yaasiin, waxaana Garoonka baaritaan ku sameeyey ilaalada gaarka ah ee Fahad Yaasiin oo shalay diyaarad looga qaaday Magaalada Muqdisho.

Fahad Yaasiin ayaa qaadanaya shahaadada Musharaxnimo ee kursiga Golaha Shacabka tirsigiisu yahay HOP086, kaasoo doorashadiis lagu qaban doono maalinta berri Magaalada Baladweyne.

SAWIRRO:-Fahad Yaasiin oo Goor dhow gaaray Magaalada Baladweyne
To Top