WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo ka hadashay Dil Gabar Soomaali ah loogu geystay Malaysia

Nin u dhashay dalka Ciraaq kuna noolaa dalka Malaysia ayaa dilay gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar, kaddib markii gabadha ay ninkaasi ka diiday xiriir jaceyl iyo mid guur uu usoo Bandhigtay.

Booliska dalka Malaysia ayaa sheegay in ninka dilka geestay oo 25-sano jir ah iyo gabadha Soomaaliyeed uu dilay ay kawada shaqeyn jireen hal goob oo maqaayad ah, waxaana ninkan dilka u adeegsaday mindi.

Amal Maxamed Siciid oo ah qunsulka Safaaradda dowladda Soomaaliya ku leedahay Malaysia ayaa warbaahinta u sheegtay in booliska wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan kiiska dilka gabadha Soomaaliyeed loo geestay.

Waxa ay sheegtay qunsulka in ninka Ciraaqiga ah ee gabadha Soomaaliyeed dilka u gaystay uu ka dalbaday xiriir guur, hase-yeeshee ay arrintaa ka diiday taa oo loo malaynayo inuu sababay falka dilka ah.

Ugu dambeyn qunsulka ayaa sheegtay in ay xoogga saari doonaan sidii gabadhaasi Soomaaliyeed cadaalad u heli laheyd, waxa ayna cadeesay in aan la aasi doonin meydka Dahabo Cumar inta baaritaanka kiiskan laga soo gabagabeenayo.

Dowladda oo ka hadashay Dil Gabar Soomaali ah loogu geystay Malaysia
To Top