WARARKA SOOMAALI

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Maanta loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Maanta oo taariikhdu tahay 14-da Febaraayo 2022 guddiga Doorashada Galmudug ayaa waxa uu qabtay Doorashada kursiga nambarkiisu yahay HOP#138 oo 2 Musharax isku diiwaangeliyeen, kalana ah:

1- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

2- Naciimo Xuseen Cali

Waxaa ka tanaasulay tartanka Naciimo Xuseen Cali waxaa ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, waxaana ogol ugu codeeyey 86 ergada kamid ah.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa ku dhawaaqay in hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#138, uuna kamid noqday Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana kursiga ku tartamaya Cabdullaahi Kulane oo ahaa ku-xigeenka Agaasimaha hay’adda NISA .

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Maanta loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka
To Top