WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Degmo ka tirsan Gobolka Banaadir oo loo doortay Xildhibaan

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#025 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas Galmudug.

Doorashada kursiga ayaa ku tartami lahaa laba Musharax oo kala ah Xasan Cali Cismaan iyo Maxamed Abuukar Cali Jacfar oo ah Guddoomiyaha degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, waxaana inta aysan bilaaban doorashada tartanka ka haray Musharax Xildhibaan Xasan Cali.

Guddoomiye Maxamed Jacfar ayaa ku guuleystay oo kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#025, isla markaana waxaa loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, isagoo helay 100 Cod, hal qofna wuu diiday, mana jirin wax ka aamusay doorashada dhacday.

Guddiga doorashada Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqay Natiijada doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#025 ee Golaha Shacabka ayaa sheegay inuu guuleystay Guddoomiye Maxamed Abuukar Cali Jacfar, uuna kamid noqday Golaha Shacabka.

Guddoomiye Degmo ka tirsan Gobolka Banaadir oo loo doortay Xildhibaan
To Top