WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo laga dalbaday inay farageliso dilka ay P/L xukuntay Carruurta

Hay’adda Samafalka ee Save the Children ee dalka Britain ayaa ku boorisay dowladda Soomaaliya Jimcihii in ay soo faragaliso dhallinyaro ay xukun ku riday Maxkamad ku taalla Magaalada Gaalkacyo ee qeybta Puntland oo loo heystay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

“Wiilashan waxay mudan yihiin in la siiyo fursad dhaqan celin ah, waxaana ku boorrinaynaa dowladda inay xaqiijiso cadaaladda”ayaa lagu yiri war kasoo baxay hay’adda.

Hay’adda Samafalka ayaa sheegtay in go’aanka Maxkamadda uu ka horimaanayo Axdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta, kaasoo ay Soomaaliya ansixisay 2015-kii.

Sida laga soo xigtay Amnesty International, lix waddan ayaa xukun dil ah ku fuliyay dembiilayaal aan qaan-gaarin tan iyo 1990-kii – Iran, Nigeria, Pakistan, Saudi Arabia, Mareykanka iyo Yemen.

Maxkamadda  Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntland ayaa maalmo kahor xukun dil toogasho ku riday rag dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay inay dilal qorsheysan ka geysteen gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dowladda Somalia oo laga dalbaday inay farageliso dilka ay P/L xukuntay Carruurta
To Top