WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Xildhibaanadii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka oo lagu doortay Baraawe

Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta waxaa ka dhacday doorashada kuraastii ugu horreeysay ee doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee deegaan doorashadoodu tahay Magaaladaas.

Doorashada kursiga Hop-165 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Saalim Caliyoow Ibrow iyo Aadan Cismaan Xasan, waxaana doorashada kusoo baxay Saalim Caliyoow oo helay 70 Cod, halka Musharaxiin kale ee Aadan Cismaan uu helay 15 Cod.

Yuusuf Maxamed Aadan ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-161 ee Xubinnimada Golaha Shacabka Baarlamaanka, isagoo helay Codad gaaraya 80  Cod,  halka Musharaxii la tartamayay Cabdullaahi Xuseen Faarax uu isna heley 7 Cod.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA  

DAAWO: Xildhibaanadii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka oo lagu doortay Baraawe
To Top