Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shir-madexeedka Midowga Afrika kulan doceed kula qaatay Madaxweynaha dowladda Saambiya Mudane Hakainde Hichilema.
Labada Madaxweyne Farmaajo ayaana ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga ku qotoma danaha Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Saambiya.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Farmaajo ayaa sidoo kale kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraaha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal.
Labada dhinac ayaa ka wada arrinsaday horumarinta iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqaalaha, deris wanaagga iyo horumarka iyo xaaladda guud ee Gobolka Geeska Afrika.