Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo maanta gaaray Magaalada Beledweyne ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif.
Madaxweynaha waxaa Garoonka diyaaraha kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar, Wasiiro, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha ayaa hoolka shirarka Gobolka uga qeybgalay Munaasabad balaaran oo lagu soo dhoweeynayay, isla markaana ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin farabadan iyo dadweyne kale.
Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Magalaada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxa uu kulamo la qaadan doonaa Maamulka Gobolka, waxgaradka, nabadoonada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa sanad kadib Maanta tegay Magaalada Beledweyne, waxaana la filayaa in xal buuxa laga gaaro khilaafyada iyo tabashada laga qabo maamulkiisa…