Janeraal Abuukar Warsame Xuud oo ku sugan Muqdisho heshiisna la galay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay safarka la sheegay in Madaxweyne Cali Guudlaawe ku tagayo magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Xuud oo xalay xilli dambe warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa si adag uga hor yimid in Cali Guudlaawe tago magaalada Baladweyne iyada oon la wada hadlin lagana heshiin tabashada uu tilmaamay in ay qabaan shacabka Hiiraan.
Waxa uu caddeeyay Jeneraal Xuus in marmaba Cali Guudlaawe uu Baledweyne ku tegi karin si qasab ama awood ah, waxa uuna xusay hadii la isku dayo in Cali Guudlaawe Baladweyne uu tago wixii ka dhaca uu masuuliyadeeda uu qaadayo.
Jeneraal Xuud ayaana dalbaday in ciidamada dowlada iyo kuwa Hirshabelloe ee lagu daadiyay magaalada Baladweyne dib loogu celiyo xerada lamagalaay, waxa uuna sheegay in aan la caburin karin shacabka awoodna loo sheegan karin.
Hoggaamiyaha kacdoonka ka dhanka ah Cali Guudlaawe Jeneraal Xuud ayaa ku hanjabay in hadii la diiday in la wada hadlo ay yaqaanaan sida loola dhaqmo Maamulka Hir-Shabeelle ayna tusayaan awoodda ay leeyihiin dadka kunool Gobolka Hiiraan.