WARARKA SOOMAALI

Xildhibaano kamid noqday Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay Muqdisho

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ka dhacday doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad dowladda Federaalka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#226 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Maryan Maxamed Ciise iyo Khadiija Cali Warsame, waxaana doorashada kursigaas kusoo baxday oo ku guuleysatay Maryan Maxamed Ciise.

Musharax Xildhibaan Maryan Maxamed ayaa loogu coddeeyay Cod gacan taag ah iyada oo heshay 95 Cod, saddex qof kalena waxaa ay ka aamustay, kadib markii tartanka doorashada ka tanaasushay Khadiija Cali Warsame.

Kursiga HOP#218 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Cilmi Ibraahim oo loogu coddeeyay Cod taagan ah, waxaana tartanka ka tanaasulay Cabdiraxmaan Cismaan Xuseen, kursiga HOP#270 ayaa waxaa kusoo baxay Cabdiwahaab Cabdi Cumar oo qaab gacan taag ah loogu coddeeyay.

Inta ay socotay doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ay Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda xireen waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaano kamid noqday Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay Muqdisho
To Top